Garoowe (AGGM): Axmed Xasan Ismaaciil oo ka mid ah dadka ay saameysay duufaantii ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland oo saxaafadda kula hadlay gobolka Nugaal ayaa sheegay in uu musiibadaasi ku waayay lix carruur ah iyo hooyadood.
Waxa uu sheegay in uu ka maqnaa xilligaasi ay roobabka da’ayeen hoygiisa, isla markaana uu xayn ari ah la raadsaday meel taag sare leh, balse uu ku soo laabtay reerka waa-berigii xilli ay daadadkii la tageen.
Aabbaha ay dhibaatadu soo gaadhay ayaa sheegay in dareenkiisu uu yahay mid aan wanaaganeyn, balse uu samir muujinayo.
Roobabka dabeylaha watay ee ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa geystay khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo dad iyo xoolo badan ay ku dhinteen.
Weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka ay dabaylaha roobabka watay ee dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Puntland waxyeelleeyeen.
Aabaha Soomaaliyeed Axmed Xasan Ismaaciil oo ka waramay dhibka soo gaaray.
Halkan Hoose ka dhagayso aabaha Soomaaliyeed
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com