Kulan Madaxweynaha Somaliland Markab Dagaal Dushii Kula Yeeshay Danjireyaal Ingiriis ah

0

IMG_02752-300x200Hargeysa(AGGM) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay Tababar heerkiisu sareeyo oo ay maal-gelisay dawladda Ingiriisku ugu soo xidhay Magaaladda Berbera cutubyo ka tirsan ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland.

Tababarkan oo socday muddo laba todobaad ah waxa fulinayay khubarro ka socotay Ciidanka badda ee Royal Fleet Auxiliary ee Ingiriiska.
Xafladii loo sameeyay gabo-gabada tababarkaasi oo lagu qabtay Xarunta Ciidanka Ilaalada xeebaha ee magaalo xeebeeda Berbera, waxa kale oo Madaxweynaha kala qeyb galay Wasiirrada Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, Duulista hawada, Waxbarashada, Marwadda Koowaad, Taliyeyaasha ciidammadda. Waxa iyaguna ka socday dawladda Ingiriiska Saddex danjire oo kala ah Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Kenya iyo danjiraha dalkaas u qaabilsan Somaliland/Somalia.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in tababarkan ay ciidamadda xeebaha ee wadanka Ingiriisku siiyeen Ciidankiisa uu ahaa tababar xirfadeed oo heerkiisu sareeyay, waxaanu u mahad celiyay khubaradii bixinaysay tababarkan oo uu tilmaamay inuu anfacayo ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland.

Xafladaas ka dib, waxa Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiintii la socotay qado-sharaf loogu sameeyay Markab dagaal oo ciidammadda badda ee Ingiriisku leeyihiin oo la yidhaahdo RFA MOUNTS BAY dushiisa oo ay la socdeen khubaradii bixinaysay tababarkaas.Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay kulankii uu kula yeeshay markabkaas danjireyaasha iyo saraakiisha Ingiriiska, wuxuu yidhi “Waxaan mahad naq balaadhan u jeedinayaam kuna faraxsan nahay Kabtanka Markabkan iyo hawl-wadeenadiisa sida markabkan dagaalka naloogu soo dhaweeyay, waxaanay muujinaysaa inaanu diyaar u nahay inaanu wax wada qabsanno Ingiriiska oo ay gacan naga siiyaan, annaguna (Somaliland) ka siino wixii hawlo ah ee naga dhaxeeya.”

“Waxaannu rajaynaynaa inuu xidhiidhkaasi sii socdo, waxaanan u mahad celinayaa safiirrada Ingiriiska, kabtanka markabka iyo shaqaalihiisa, waxaanan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu ciidammadda Ingiriiska ku ammaanay tababarkan ay siiyeen ciidammada ilaaladda xeebaha Somaliland oo uu tilmaamay inay fursad u siinayso inay waajibaadkooda shaqo ku dabo-qaadaan macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay kulankii Madaxweynaha iyo danjireyaasha Ingiriisku ay ku dul qaateen markab ay leeyihiin ciidammadda badda Ingiriisku, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Kabtanka markabkan sida aad iyo aadka ah noogu soo dhaweeyay, farxad weyn ayay u tahay shacbiga Somaliland inay arkaan cilaaqaadka wanaagsan iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.”

“Aad iyo aad ayaanu uga mahad naqaynaa Dawladda Ingiriiska tababaradan kala gedisan ee ay siiyeen Ciidamadda Somaliland iyo waxtarka faraha badan ee iskugu jira xag dhaqaale, Nabadgelyo iyo la dagaalanka budhcad badeeda iyo Argagixisaddaba,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku ladhay “Somaliland iyo Ingiriisku waa labo wadan oo in aad ah isku xidhnaa, waxaan mar labaad u mahad naqayaa masuuliyiintii Ingiriiska ee tababarkan iyo kulankan soo agaasimay.”

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Md. Neil Wigen, oo xafladaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qasdiga laga leeyahay tababarkan iyo wax wada qabsiga labada wadan ka dhaxeeya, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne waxaynu halkan isugu nimi inay si muuqata usoo gegabayno dhamaadka tabobar laba todobaad ahaa oo la siiyay ciidamada illaalada xeebaha Somaliland oo ay bixiyeen tabobareyaal ka tirsan ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska, kana tirsan ciidanka Royal Fleet Auxiliary. Hawlgalkan waa mid dariiq dheer labada dhinacba u ah, lagumana guulaysteen haddii sidoo kale aanay gacan gaysan ciidamada illaalada xeebaha Somaliland oo si lab furan u soo dhaweeyay ciidamadii tabobarka bixinayay, taasoo keentay in tabobarka lagu guulaysto, iyagana halkan ayaan uga mahad-naqayaa”

Danjiraha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Marka hore tabobarkan waxa loo qaadan karaa mid quseeya xaga milateriga oo keliya, laakiin waa mid ka baaxad wayn intaas. Si kastaba arrintu ha ahaatee anaga oo aad u rumaysan muhiimada xidhiidhka labada wadan, ayaa waxa loo baahan yahay, iyana in laga hawlgalo iskaashi laba dhinac ka balaadhan si looga midho-dhaliyo himillada loo han weyn yahay ee lagu doonayo barwaaqo iyo deganaansho gobolleed lagu noolaado. Gobol ahaan iyo caalam ahaanba, waynu isku xidhanahay.”
“Dawladda Ingiriiskana waxa ka go’an oo ay wadi doontaa inay samayso wax kasta oo ay ku taageeri karto deganaan shaha mandaqada,” ayuu yidhi Danjire Neil Wigen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com