Sanca(AGGM)Shirkan oo habeenimadii xalay ku soo idlaaday magaalada Sanca ee caasimadda dalka yemen ayaa waxaa gabagabadiisii ka hadlay ra’iisul wasaaraha dalka dalkaasi Maxamed Saalim Baasanduwa,waxana uu aad uga faalooday muhiimadda shirka,isagoona ka qeyb galayaasha uga mahad celiyay bayaanka ay ka soo saareen shirka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro matalayay 11ka dale e shirkan loo qabtay,kuwaasi oo isugu jira wadamada lixda ah ee gacanta carbeed iyo waliba afar dal oo geeska afrika ah.
Wasiiradii shirka ka qeyb galay ayaa gabagabdii shirka ka jeediyay hadlo muhiim ah oo mid waliba uu ka abaarayay qodobka ugu muhiimsan qodobada shirkan ka soo baxay marka dalkiisa loo eego.
Wasiirka howlaha guud,gaadiidka badda iyo tamarta ee xukuumadda soomaaliya Muxiyidiin Maxamed Kaalmooy oo ka hadlay gabagabadii shirka ayaa u mahadceliyay dowlada Yemen,isagoo shirkana ku tilmaamay mid mira dhal ah muhiimad gaar ahna xambaarsan.
“Waxaa sharaf weyn ii ah anigoo nafteeyda iyo tan wafdiga soomaaliya ka socda ee aan hogaaminayo wakiil ka ah in aan shirkan ka qeyb qaadano,waxana dowlada yemen shacab iyo xukuumadba ee hogaanka uu u yahay Cabdi Rabbi Mansuur Haadi uga mahad naqeyno sida ay noo qaabileen oo ay noo soo dhaweeyeen iyo qaban qaabada shirkan oo ah kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah ee gobolka ka dhaca,kaasoo xal loogu raadinayo arrimaha tahriibka iyo magan-galyo raadinta,waxana u aragnaa in uu ku soo beegmay xiligii loo baahnaa,inagoo u haaysana talooyinka shirkan ka soo baxay kuwo aad muhiim u ah”Ayuu yiri Wasiirka howlaha guud.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda yemen ahna guddoomiyaha gudiga qaxootiga qaranka yemen Dr Cali Muthana iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka aduunka ee IOM Laura Thompson,ayaa qalinka ku wada duugay heshiis ay ku qornaayeen qodobo aad u badan oo ka soo baxay shirka.
Markii uu shirka dhamaaday ayaa shir jaraa’id waxaa si wada jir ah u qabtay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka yemen,madax hay’adda UNHCR ee bariga dhexe iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka aduunka ee IOM.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka yemen C/qaadir Maxamed Qaxdhaan ayaa shaaciyay qodoabdii uu ka soo baxay shirkan,isagoo tahriibayaasha ugu baaqay in ay ka waantoobaan safarada qar iska tuurnimda ah,iyagoo u badalayo kuwo nidaamsan oo sharcigana ku fadhiya.
“Waxaa shirka ka soo baxay bayaan loogu magac daray bayaanka SANCA,waxana ku jira qodobo muhiim ah oo daaweynaya dhibaatada tahriibka iyo magan-galyo doonimada ,ujeedadiisuna waxa ay tahay in dowlada yemen laga taakuleeyo sidii ay u wajahi lahayd dhibaatoyinka iyo madmadowga ka dhasha tahriibka,waxana ay ka sinaayeen dhamaan ka qeyb galayaasha shirka in la helo socdaal habeysan iyo magan-galyo raadin nidaamsan,socdaalka aan habeysneyn amaba aan sharciga aheyn culeyskiisa ayuu leeyahay,tahriibayaashuna waxa ay kula kulmaan halis badan,iyadoo meel looga dhaco xuquuqdooda,waxana taasi ka danbeeya kooxo danbiilayaal ah oo ka shaqeeya in muhaajiriintaasi ay ku soo daabulaan qaab aan munaasab aheyn”Ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha yemen.
Arrinta ugu muhiimsan ee soomaalida yemen iyo ka qeyb galayaasha shirka ay ka wada dhur sugayeen in shirkani ay ka soo baxdo ayaa aheyd in la isla meel dhigo heshiis ku aadan in qaxootiga ku nool yemen iyagoo ka raali ah dalkooda dib loogu celiyo aad ayaana loga dooday,iyadoo gabagabdiina la isla meel dhigay in qodobkaasi la fuliyo,waxana dib isaga arkaya dowladaha soomaaliya,yemen iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Xildhibaan Ridwaan Maxamed Xirsi oo ka mid ah wafdiga dowlada soomaaliya uga qeyb galay shirka ayaa sheegay in shirka ay soo baxday sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool yemen,iyadoo taageero caalami ah laga helayo caalamka iyo wadamada gobolka,iyadoo la sameyn doono goobo KMG ah oo ay dadkaasi ku soo laabtaan iyo in taageero loo fidiyo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka yemen C/qaadir Maxamed Qaxdhaan ayaa sheegay in qaxootiga soomaaliyeed ay leeyihiin xeryo u gaar ah oo ay gacanta ku haayso hay’adda UNHCR,isagoo sheegay in xaaladooda ay wanaagsantahay,waxana uu sabab uga dhigay rabitaanka qaxootiga soomaaliyeed ee ku aadan dib ugu laabashada dalkooda xaalada soomaaliya oo hada degan iyo dowlada oo arrinkaasi dadaalo dheeraad ah ku bixisay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com