Muqdisho(AGGM) Labo ruux ayaa gaajo iyo oon dartooda ugu geeriyoodey deegaanka Ganboole oo hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, kuwaasi oo kamid ahaa rikaabkii saarnaa ilaa 11 gaari oo nuuca xamuulka qaada ah oo mudo labaatan maalmood ah ku xayiran deegaandaasi sababo la xiriira wadooyinka oo ay gooyeen roobabkii xiliga deyrta.
Labada ruux ee geeriyooday ayaa la xusay inay ahaayeen gabdho soo wajahday macmuul iyo gaajo, taasi oo ka dambeysay markii ay ku xanibmeen wadada u dhexesay Muqdisho iyo deegaanka lagu magacaabo Ganboole oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, kuwaasi oo doonayay inay halkaasi wareeg ku soo maraan, maadaama ay go’antahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ay fatahaadu goysay.
Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka ayaa xusay in ay ahaayeen dad badan oo la socday 11 gaari, kuwaasi oo gaadiidkii la socday qaarkood ay qalibmeen, halka kuwa kalena ay halkaasi ku xanibanyihin, islamarkaana aysan jirin gurmad xiligan ku wajahan, waxaana ay codsadeen in gar gaar loo fidiyo, madaamaa rakaabkii gawaaridaasi ay gaajo iyo uun la ildaranyihiin.
Inta badan marka uu xirmo jidka dheer ee isku xiraha Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka ayaa wadayaasha gaadiidka waxa ay baabuurtooda u weeciyaan deegaannada xadka la leh gobolka shabeelaha hoose, si ay uga soo wareegaan deegaannaadii ay fatahaaddu webiga shabeelle saameeyay, iyadoo haatanna gaadiidkasi ay la xanibanyihiin roobab xoog leh oo ka da’ay deegaanadii kale ee ay maciin badeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com