Gedo (AGGM):- Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ahaa Xubnihii baarlamankii KMG ahaa sidoo kalana Wasiir kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan isbadalka lagu samaynayo Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid0.
” Wasaarada loo bixiyey adeega bulshada oo kale waxaa ay kulmisaa wasaarada waxbarashada, caafimaadka iyo sports-ka mana filayo inay culeyskaasi wada qaadi karto hal wasiir oo aan ogahay inay howsha looga fadhiyo inay tahay mid muhiim u ah dalka oo dhan . Taasina waxay ka dhigeysa in mid balaaran la dhiso” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu waxa uu sheegay in haddii magacyo cusub meesha soo galaan islamarkaana la kala qaado wasaaradaha isa saaran inay noqon doonto xukuumadan mid habaca ku jira ka baxda oo dardar xoogan la soo bixi doonto.
” Soomaali waxay ku maahmaahdaa biyo fadhiya waxaa kiciya biya socda, marka sidaasi oo kale ayaan leeyahay haddii xukuumadan isbadel lagu sameeyo waa ay ka bixi doontaa habaca ku jira oo dardar xoogan oo muuqda ayey la imaan doontaa”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden.
Dhinaca kale waxaa uu Maxamuud Sayid ka hadlay arrinta khilaafka ee la sheegay inuu ka dhex jiro madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kaasi oo ku aadan qaabka loo soo dhisayo xukuumada cusub oo la isku mari la’yahay. Waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in Ra’iisul wasaare Saacid Farax loo daayo shaqadiisa qaabka uu usoo dhisayo xukuumada.