Daawo Sawirrada: Ciyaar Dhexmartay Banaadir VS Elman Iyo Shacab Fara Badan Oo U Daawasho Tagay.

0

kubad13Muqdisho (AGGM): Ciyaar aad u adag oo aheyd ku guuleysashada koobka Super Cup ayaa dhexmartay kooxaha Elman Fc VS Banadir Sports Club ayadoo labada kooxoodna ay kusoo kala guuleysteen koobabka horyaalka heerka Koobaad ee Dalkeenna oo ay kusoo guuleysatay kooxda Elman Fc iyo kooxda Banadir Sports Club oo iyaguna kusoo guuleystay koobka General Daa’uud.

Ciyaarta oo aad u adkeyd ayaa ka dhacday garoonka Kubadda Cagta Banadir Stadium Ex-Coonis oo ku yaala degmada C/casiis ayadoo ciyaartana ay usoo daawasho tageen dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir,mas’uuliyiinta xiriirrada ciyaaraha ee Dalkeenna iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda hormarinta iyo adeegga bulshada oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Mudane Maxamuud Macalin Yaxye.

Labada kooxood ayaa muujiyey ciyaar aad u adag ayadoo qeybtii horena ay hal gool ku hogaamineysay kooxda Banadir laakiin kooxda Elman ayaa qeybtii Labaad ee ciyaarta waxaa u suurtagashay iney dhaliyaan goolkooda bar bar dhaca ah waxaana daqiiqadihii loogu talagalay ciyaarta ay kusoo gebagebowday bar bar dhac oo min hal gool ah.

Si loo kala saaro ayaa loo dhigay rigoorayaal ayadoo kooxda Elman Fc ay ku adkaadeen amaba ku guuleysteen koobka Super Cup.

Ciyaartan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa muujineysa sida Ciyaaraha ay kaalin weyn uga geystaan is dhexgalka bulshada ayadoo tanina ay ku timid isbedellada dhanka amniga ah ee ka jira caasimadda Dalka ee Muqdisho.

kubad kubad2 kubad1 kubad34 kubad33 kubad32 kubad31 kubad30 kubad29 kubad28 kubad27 kubad26 kubad25 kubad23 kubad24 kubad21 kubad22 kubad20 kubad19 kubad18 kubad17 kubad16 kubad15 kubad14 kubad13 kubad12 kubad11 kubad10 kubad9 kubad8 kubad7 kubad6 kubad5 kubad4 kubad3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com