War Farxad Oo U Soo Yeeray Arsenal, Theo Walcott Oo Soo Laaban Doona Kulanka Manchester United.

0

kubTheo Walcott ayaa rajeynaya inuu kor u qaado hamiga kooxda Arsenal isagoo soo laabanaya kulanka weyn ee ay axada wajahayaan Manchester United.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee England ayaa sarre u qaaday tababarkiisa ka dib markii qaliin looga sameeyay uur ku jirta, kulanka ay Arsenal u safreyso habeen danbe Borussia Dortmund ayaase xilli hore ku noqon karta, isagoo la filayo inuu soo laabto kulanka Old Trafford.

Daafaca Kieren Gibbs ayaa sidoo kale la filayaa inuu seego kulanka Champions League ee ka dhacaya Germany ka dib dhibaato soo gaartay kulankii Liverpiool ee habeenkii sabtida. Nacho Monreal ayaana taam u ah inuu buuxiyo booskiisa.

Dhaawaca Jack Wilshere uu ka qabo canqowga ayaa ka dhigeysa inay u badan tahay inuu seegi doono safar Arsenal ay ku dooneyso inay kaga aarsato Dortmund oo badisay labo isbuuc ka hor.

Walcott ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bartamihii September ka dib xanuun caloosha ah oo wajahay waxaana lagu sameeyay qaliin laakiin weli waxa uu saaran yahay wadadii soo kabsashada.

Macalinka Gunners Arsene Wenger ayayna u badan tahay inuusan riski gelin doonin Walcott, waxaana soo laabashadiisa kulanka axada ay noqon kartaa inuu soo fariisto kursiga keydka.

Dhaawacyada Arsenal ayaa u muuqda kuwa ka fududaanaya, Lukas Podolski ayaa sameynaya horumar wanaagsan waxaana uu soo laaban katraa dhamaadka bishaan, Mathieu Flamini ayaa isna la filayaa inuu soo noqdo kulanka Man United.

Alex Oxlade-Chamberlain ayayse u badan tahay inuu maqnaan doono ilaa iyo dhamaadka sannadkan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com