Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aanka ay gaartay Maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasi oo lagu go’aamiyay in Bankiga Barclays uu sii wado adeegga uu u hayay dadka Soomaaliyeed ee xawaaladaha.
“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda sare ee dawladda Britain, waana mid farxad geliyay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka walaacsanaa in ay waayaan lacagaha ay eheladooda uga soo diraan dalka dibadiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aadan sii wadista adeegyada xawaaladdaha Soomaalida.
“Waa in dawladda, maamulayaasha xawaaladdaha iyo madaxda Bankiga ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ku qanacsan yihiin”.
Dawladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyey sidii loo hakin lahaa go’aanka Bankiga Barclays uu ku joojinayo accountiyada lacagaha la sii marsiiyo ee shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida, waxaana go’aanka Maxkamadda uu ka tarjumayaa miraha dadaalkii madaxda dawladda iyo shirkaddaha xawaaladaha.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com