Jan Eliasson ‘’ Waa In Caalamka Uu Ka Qeyb-qaato Dib U Dhiska Ciidamada Xoogaga Dalka Soomaaliyeed”.

0

Jan EliassonNew York (AGGM): Jan Eliasson ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM oo ka hor hadllayay shirka gollaha amaanka QM ayaa sheegay in looga baahan yahay in guud ahaan calaamka ay ka qeyb-qaataan tayeeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,

Jan Aliasson ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ee QM looga hadlayay tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo in la kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya.

Jan Aliasson ayaa sheegay in taageerada Soomaaliya oo aanan la sii xoojin ay dhabar-jab ku tahay shaqaddaa adag iyo dadaallada nabadda ee ay wadaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirka gollaha amaanka QM ayaa dhinac iska dhigay codsi ay hor dhigtay dowladda Sooomaaliya oo ahaa in la tayeeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen xubnaha ku jira gollaha amaanka in arinta ku saabsan tayeeynta ciidamada Soomaaliya aysan horay uga dhicin mid la mid ah gudaha golaha amaanka QM, sidaa daraadeed aan waxba laga qaban karin arintaa iyada ah.

Jan Eliasson weerarkii bishii Juun ee sanadkan lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho iyo weerarkii bishii hore xarunta ganacsiga ee Westagate ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay muujineyso rajada Alshabaab ay ka qabto inay sii wato dhibaateynta shacabka, isagoo sheegay in halistaasi meesha looga saaro in la taageero ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Todobaadkan bilowggiisii ayuu booqasho ku tagay magaalada Muqdisho Jan Eliasson isaga oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com