Dhagayso: R/wasaarihi Hore Maxamed C/llaahi Farmaajo Oo Mudo Kadib Ka Hadley Dib Udhiska Ciidanka Xooga Dalka.

0

farmaajoLondon (AGGM): Raysal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Ayaa Mudo Kadib Wuxuu La hadlay Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, Wuxuuna Siwayn Uga Hadlay Arimaha Ciidanka ) Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Tv-ga Universal.

Farmaajo, ayaa dib u milicsaday waqtigii uu Somalia Ra’isul wasaaraha ka ahaa , waxaana uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ee uu wax ka badalay inay aheyd nidaaminta iyo dhismaha Niyada Ciidamada dowlada Somalia.

Maxamed C/laahi Maxamed Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia isla-markaana Taariikh wanaagsan ku leh Dalka Ciidamaduna ay aad u jeclaayeen, ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay Yihiin Muhiimada ugu horeysa , isagoo sheegay in ay leeyihiin karti iyo awood xoogan balse waxa ka maqan ay tahay Dhiiri galin iyo in Niyad dhis joogto ah la siiyo.

” Anigu Talo uma soo jeedinayo waayo dowladu waxay leedahay Nidaam u degan oo ay qorsheyneyso inay wax uga badasho qaabka ciidamada , laakiin wixii talo ah oo ay iiga baahdaan waan siiyaa walina diyaar ayaan u ahay ” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay markii Xilka loo dhiibayay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo niyad aan heyn balse uu ku fakaray sidii uu damiirkooda usoo nooleyn lahaa  rag badan oo ay ganacsato ku jiraan ayuu tilmaamay inay ka gacan siiyen arintaas , waxaana uu shaaciyay in dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay uu u mahad celinayo.

Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay isla-markaana Salaan hawada uu u mariyaya Saraakiishii Ciidamada ee Xilligii uu Ra’isul wasaaraha ahaa Sida ,General Diini, General Dhaga badan, General Saneey, General Maalin iyo saraakiil kale oo intooda badan aan xilal ka heyn dowladda iminka Jirta.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Farmaajo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com