Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka tirsan Telefishinka Universal Tv ayaa saaka lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir oo uu degenaa wariyuhu, iyadoo loola cararay Isbitaalka Madiina.
Sida ay sheegayaan wararka kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa wariye Timacade ku weeraray agagaarka Isgoyska Korontada, xilli uu watay gaarigiisa.
Wararka ayaa sheegaya in raga hubeysan ay rasaas ku fureen, iyadoo labo xabood ay ku dhaceen sida ay xaqiijiyee dad geeyay isbitaalka.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxaha weeraray Wariye Tima Cade ay wateen gaariga oo lagu hor dhiftay gaariga uu watay.
Wararka aanu ka heleyno Isbitaalka Madiina ayaa sheegaya inuu ku jiro Saalada qaliinka oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.
Isku soo wada duuboo Goob joogayaal ah ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay baxsadeen, iyadoo wariye Tima Cade uu is difaacay oo bastoolad uu watay rasaas ka riday.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com