Garoowe (AGGM): Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa si kulul u canaantay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole kadib kulan uu Nichlos la qaatay Issimada maamul goboleedka Puntland oo uu maanta kula kulmay magaalada Garowe.
Kulankaa ayaa waxaa ugu horeyn looga hadlay qaabka ay doorasho xor ah uga dhici karto Puntland wuxuuna Mr. Nicholas Kay uu ka codsaday Issimada Puntland in doorashada dhacaysa aysan noqon mid uu dhiig ku daato maadaama ay jiraan warar sheegaya in dhawaan hub laga dejiyay Garowe.
Nicholas Kay oo si kulul u canaantay Faroole ayaa wuxuu sheegay inuusan ahayn shaqsi u dhego nugul xalinta dalka iyo la shaqeynta Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana uu eedeyn joogto ah ku hayo madaxda dowladda Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay abuureyso sii kala fogaansho.
Issimada ayaa waxay Nicholas Kay u gudbiyeen warbixin qeexaysa waxa sababay in maamulka Puntland iyo Xukuumadda Soomaaliya khilaaf soo kala dhex galo, wuxuuna Nichlos sheegay in wax waliba xal lagu dhamayn doono isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii la isugu soo dhaweyn lahaa xukuumadda iyo Puntland, inta kahoreysana looga baahan yahay Faroole inuu eedeynta joogtada ah ka daayo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgduud Media
allgalgaduud@gmail.com