Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Dhaliilay Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Baaralamaanka.

0

Mudane-JawaariMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhaliil ujeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood.

Mudane Jawaari ayaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku dhaliilay qaarkood inaysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ay isugu yimaadaan, taasina ay tahay arin qalad ah.

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka looga baahan yahay soo xaadiritaanka xarunta Golaha shacabka iyo ka qeybgalka kulamada Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa digniin udiray Xildhibaanada aan fadhiyada kasoo qeybgalin, isaga oo amar ku siiyay xoghaynta Baarlamaanka inay soo qoraan magacyada Xildhibaanada aan fadhiyada kasoo qeybgalin.

Hadalkaan ayuu afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ka jeediyay, kadib markii shalay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kooram la’aan lagu ansixin waaye Xeer hoosaadka Baarlamaanka oo laga doodaye wax ka bedelkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com