New Delhi (AGGM): Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka India ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Safiiradda dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah dalka India Ebyan Maxamed Salah , oo ay ku tilmaameen in Safaaradu u badashay guri qabiil oo jiif u ah qaar ka mid ah qoyskeeda , halka warbixinada , deeqaha waxbarashada ,tababarada , cazuumaadaha iyo wax waliba oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed loogu tala galay ay u dirto Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe .
Maxamed Nuur , oo ka mid ah ardayda Magaalada New Delhi ayaa noogu xog waramay in 98% ardayda Soomaaliyeed ee sida lacag la’aanta ah wax uga barta dalka India ay yihiin kuwa ku heyb qabiil ah Ebyan Salah , ayna bahdil iyo sumcad liidata ay u horseeday Soomaalida ku nool dalkaasi .
Ebyan Salah oo Madaxweynihii hore ee KMG Cabdullaahi Yuusuf u magacaabay danjiranimada dalka India sanadkii 2008-dii , ayaa lagu sheegaa inay tahay haweeney aan damqasho Soomaalinimo ku jirin , waxa ayna si cad ugu dhaqantaa qabyaalada iyo faquuqa Soomaalida aan ku qabiilka aheyn ee ka soo jeeda gobolada waqooyi galbeed iyo kuwa koonfureed , iyadoo had iyo jeer u janjeerta u adeegidda danaha maamul goboleedka Puntland , halkii ay ka fulin laheyd siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya .
Warar xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Ebyan Salah , gabar la dhalatay iyo ganacsato India ah ay ku howlan yihiin howlgelinta mashruuc warshad shamiindo loogu sameynayo Magaalada Boosaaso , taasoo ku baxeyso adduun lacageed oo xaddigiisu badan yahay .
Suleekha Yuusuf Cumar oo ka mid ah ardayda wax ku barata India ayaa sheegtay inay qarashka waxbarasho waalidiinteeda ay ka bixiyaan , halka fursadaha Safaaradda Soomaaliya ay hesho loo weeciyo dhinacyo kale oo dowladda Soomaaliya ka baxsan , lana musuq-maasuqo , waxa ayna ka codsatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Xafiisyada Madaxweynaha , gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha inay fara-gelin toos ah ku sameeyaan Safaaradda , si ay u noqoto safaarad Soomaaliyeed oo loogu adeego Soomaalida oo dhan .
W/qoray : Abdirashid Abdirahman Ciise
New Delhi – India
Isha Ku Hay Allgalgduud Media
allgalgaduud@gmail.com