Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka magaalada Kismaayo ay gaarayaan wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.
Socdaalka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi ayaa waxaa ku wehiliya Taliya ciidamada AMISOM General Andrew Gutti iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Xooga Dalka, Dowladda iyo AMISOM.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wafdiga ay kulamo kula qaadan doonaan magaalada Kismaayo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Isku soo wada duuboo sida muuqata magaalada Kismaayo oo dhawaahan fool ahayd ayaa hadda waxa ay u eg tahay mid dhawaan dhali doonta, waxa ayna dhali doontaa waxaan farxad galinayn maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Taageerayaashooda..
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com