War Deg Deg Ah: Rag Loo Soo Qabtay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Baledweyne.

0

Breaking_news-620x3301Baledweyne (AGGM): Ciidamada ammaanka dowladda federaal-ka  ah Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ayaa maanta gacanta ku dhigay dad lagu tuhun sanyahay in ay ku lug leeyihiin qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee  ay ku dhinteen 16 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhowr qof oo la tuhun sanyahay ay soo qabteen kuwaasoo baaritaanno ku socdaan.

Guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Tusbaxle ayaa sheegay in maamulka gobolka uu dardar gelin doono ammaanka, kuna booriyay dadweynaha in ay si caadi ah u wataan hawlahooda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in amniga lagu sugi karo wadashayn dhexmarta laammaha ammaanka iyo shacabka

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media  
allgalgaduud@gmail.com