Daawo: Shirweyne Looga Hadlayay Nabada Oo Ka Furmay Magaalada Cabdudwaaq.

0

qoraxCaabudwaaq (AGGM): Gobolka Galgaduud waxaa si rasmi ah uga furmay maanta kulan ay ka qeybgalayaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo ergo gaareysa 130 xubnood iyadoo kulankaasina looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhex dhaca beelaha wada dega gobolka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hey’ada CRD ayaa waxaa furay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka kuwaas oo shalay gaaray degmada Cabuudwaaq, waxaana kulankaasi ka qeybgalay ergo gaareysa ilaa iyo 130 oo ka kala socotay qeybaha bulshada.

Ujeedada kulanka ayaa la sheegay inuu yahay sidii loo dhiirigelin lahaa mashruuc lagu nabadeynayo dhamaan beelaha wada dega gobolka Galgaduud, waxaana mudada shanta maalmood ah ee uu soconayo kulankaasi casharo ka bixinaya aqoonyahanno ka socda hey’ada CRD.

Kulanka ayaa yimid xilli waqtiyadii ugu dambeeyay ay deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ka dhacayeen colaado sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo u dhaxeyeeyay beelo walaalo ah oo isku deegaan ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media  
allgalgaduud@gmail.com