Baydhabo (AGGM): Ciidamada xooga dalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa werear ku ah degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyadoo ciidamadan oo lugeynaya ay degmadaas kaga wajahan yihiin labo jiho.
Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ka kala baxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo degmada Bardaale, waxaana cabsi xoog leh ay ka jirtaa degmada Waajid.
Falaagada Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay degmada Waajid, waxaana la soo sheegaya ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo gudaha degmada gaaf wareegayay.
Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay kol hore magaalada Baydhabo oo ku sugnaa duleedka degmada Bardaale ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool oo ay wali ka taliyaan falaagada Al Shabaab.
Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira duleedka Waajid ayaa laga cabsi qabaa inuu dagaal isu rogo, maadaama ciidamada huwanta la sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada.
Falaagada Al Shabaab ayaa horaantii sanadkan dib ula wareegtay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, markii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya oo muddo sanad gacanta ku haya.
Kumanaan askari oo Itoobiyaan ayaa ku sugan Gobolada Koofur galbeed Soomaaliya, kuwaasoo dagaalo kula jira Falaafaga Al Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com