Ciidama Amaanka Kenya Oo Sheegay In Shan Ruux Ay Xabsiga U Taxaabeen.

0

top-newsDhadhaab (AGGM): Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen shan ruux kuwaasi oo lagu tuhmayo inay garaxyo ka geysan rabeen dalkaasi Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga sida laamaha ammaanka ay sheegeen.

Dadkaasi ayaa la sheegay in iminka ay ku xiran yihiin saldhiga ciidamada ay leeyihiin, waxaana loo malaynayaa in labo maalin kadib lasoo taagi doono maxkamad ku taala dalkaasi.

Kalilo Rogo taliyaha ciidamada Booliska Degmada Dhadhaab ayaa sheegay in shantaasi ruux ay xalay ka qabteen xeryaha qaxootiga xilli ay doonayeen inay aasaan waxyaabaha qarxa, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaanan kala sheegin wadamada dadkaasi ay u kala dhasheen, laakiin wuxuu sheegay in shantaasi labo kamid ah ahaayeen dumar halka seddex kale ay ahaayeen rag.

Dhawaan ayay aheyd markii weerar uu ka dhacay shineemo ku taala xerada IFO halkaasi oo ilaa lix ruux ay ku dhaawacmeen, waxaana saraakiisha ammaanka Kenya ay sheegeen in xeryaha qaxootiga ay ku dhuumaaleystaan Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media  
allgalgaduud@gmail.com