Dhuusamareeb (AGGM): Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa deeq ka kooban 3 neef oo geel ah gaarsiisay ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ee degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xidhibaan Mahad Maxamed Salaad oo deeqda gaarsiiyay ciidanka ayaa sheegay in uu doonayo inuu u kuurgalo xaaladda ciidanka iyo shacabka gobolka, si uu xogtooda ugu gudbiyo dowladda dhexe.
Madaxweynaha oo khadka telefoonka uga qeyb galay xaflad xoolaha loogu wareejinayay ciidanka ayaa ballan-qaaday inay askartu heli doonaan xuquuqdooda, isagoo xaqiijiyay inuu dhowaan booqan doono gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa ciidanka ku amaanay kaalintii ay ka qaateen howlgallada looga hor tagayo kooxaha argagixisada ah.
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo isaguna khadka telefoonka uga qaybgalay xafladda ayaa ciidamada u sheegay in ay dhowaan ay helayaan hub, gaadiid iyo qalabta kale ee ay u baahan yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com