Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne.

0

Baladweyne2Baledweyne (AGGM): Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ruux naftii halige ah, uu abaarihii 11-kii barqanimo ee maanta, Qarax ismiidaamin ah ka fuliyay Afaafka hore maqaayad ku taal Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u farabadan.

Inkastoo aan si dhab ah weli loo ogeyn halka uu bar-til-maameedka saxda ah ahaa, ayaa hadana goobta qaraxa uu ka dhacay waxa uu ku dhawaa iridka hore ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan, iyadoona dad badan ay rumeysan yihiin in weerarka lala damacsanaa xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay weerarka, inkastoo illaa iyo hada aan la heynin tirada rasmiga ah dadka ku wax yeeloobay Qaraxaas, waxaana goobta isku gadaamay Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Magaalada Baladweyne iyo kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hoos yimaada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Waxii warar ee kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com