Faah-faahin: Argagixisada Al Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyada Qaraxi Galaaftay Nolosha 16 Qof Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Beledweyne.

0

qaraxBaledweyen (AGGM): Lix iyo toban qof oo u badan dad rayid ahaa ayaa inta la ogyahay ku dhimatay, 26 kalena way ku dhaawacantay qarax maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in lix qof oo ka tirsan dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato, isla markaana la qorsheynayo in loo gudbiyo magaalada Muqdisho, si halkaas loogu soo daweeyo.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo isku qarxiyay maqaayado (biibitooyin) ku yaalla afaafka hore ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaana meesha ka dhowaa askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inay tirada dhimashada intaas ka badan karto.

Saraakiisha ammaanka oo uu la xiriiray Warbaahinta ayaa ka gaabsaday inay xilligan ka hadlaan dhacdada, inkastoo ay sheegeen in ay warbaahinta la hadli doonaan marka ay xasiliyaan magaalada oo hadda uu jewigeedu kacsan yahay.

Ciidamo ka kooban AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa howlgallo ka sameeyay goobta uu ka dhacay qaraxa, waxaana la maqlayaa rasaas teel-teel ah.

Falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com