Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in khilaaf ba’an iyo loolan siyaasadeed uu ka dhex curtay horjoogeyaasha maleeeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in horjooge Macalin Maxamed Ibraahim uu garab ka mid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo jifadiisa hoose ah uu gooni ula dagay halka loo yaqaan Kaanboonka ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Horjooge Axmed Madoobe ayaa isna waxa uu garab ka mid ah maleeshiyada Raaskambooni la dagay Madaxtooyada magaalada Kismaayo.
Shalay ayay ahayd marki koox ka timid Nairobi oo ay ka mid ahaayeen Prof. Gaandi, Cumar Cabdirashiid, Prof. Cali Maxamed Geedi ay soo gaareen magaalada Kismaayo kadibna waxa ay xalay u hoydeen dhinaca garabka Macalin Maxamed Ibraahim ee Kaamboonka.
Waxaa soo ifbaxaya khilaafka ba’an iyo loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Axmed Madoobe iyo qaar kamid ahaa horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo hadda sida la sheegayo maraya halkii ugu xumeed.
Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa waxaad mooda inuu ka sii laalaado masraxa siyaada Jubbooyinka oo ay geesaha ka garaacayaa qaar kamid ah horjoogeyaasha beeshiisa, iyadoo oo ay magalaada Kismaayo kulaalayaan ciidamo gaaraya dhoowr kun ah oo uu hogaaminayo Col. Bare Aden Shire.
Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayoa yaa waxa ay sii galeeysaa maalinba maalinta ka dambeeysa jawi cakiran lamana saadaalin karo halka ay ku dambeeyn doonto hadii ay sii socdaan xarig jiidka u dhexeeya beelaha daga gobolada Jubbooyinka waxaa dhici karta inay ka curtaan deegaanadaasi dagaalo is reeb reeb ah oo u dhexeexaya Raaskambooni dhexdooda iyo Col. Bare Hiiraale iyow axii ak soo hara Raaskambooni.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com