Muqdisho (AGGM): Sida ilo wareed lagu kalsoon yahay uu u xaqiijiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Iclaamisay inuu ka furmayo Magaalada Muqdisho 21 Oktoobar ayaa waxa uu dhacayaa waqtigii loogu talogalay.
Ilo Wareedkan lagu kalsoon yahay ayaa waxa kale oo uu sheegay “Adeer shirka waa uu dhacayaa waqtigi loogu talogalay, waxa uuna ka dhacayaa magaalada Muqdisho, Horjoogeyaasha Raaskamboonina waa ay ka soo qeeybgalayaan”.
Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka uu dhacayo 21 oktoobar garabyada ka soo horjeeda maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina waxa ay ugu diyaar garoobeen si aan caadi ahayn.
Isku soo wada duuboo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa dhawaan waxa ay Idaacadaha ka sheegeen in aysan ka soo qeeyb gali doonin Shirka Muqdisho balse sida hadda muuqata horjoogeyaasha maleeshiyo beeledka Raaskambooni ayaa talo farahooda ka sii baxaysaa maadaama dhowaan laga daawan doono TV-yada iyagoo ka soo dagaya garoonka caalamiga ah ee Aden Cade International Airport.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com