Garoowe(AGGM) Iyadoo shalay laba diyaaradood oo nooca xamuulka ahi ka dageen magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya in diyaaradahaasi hub kala duwan u wadeen Maamulka Faroole uu Madaxweynaha u yahay ee Puntland,waxaana la sheegayaa in Hubkaasi laga keenay wadanka Yemen.
Sidoo waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Puntland uu digniin culus u jeediyey shirkadda GolisĀ iyadoo shirkaaasi faafisay fariimo ka yimid Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana Maamulka Puntland shaaciyeen in shirkadaasi ay amni darro ku hayaan degaanada Puntland isla markaasna ay shirkada mudo xireen balse markii dambe dib u fasaxeen.
Wariye ku sugan Magaalada Galkacayo oo warbaahinta la hadlay ayaa daaha ka qaaday in hubkaasi ka soo dagay Magaalada Galkacayo isla markaasna ay wadeen laabv diyaaradood oo ka soo duulay Wadanka Yemen,waxaana uu shaaciyey in hubkaasi loo waday ciidamada Daraawiishta Puntland oo lagu wado intuusan sanadkan dhamaanin.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu Faroole damacsan yahay inuu weerar ku qaado degaanada Khaatumo State & Degaanada Dawlada Somaliland waxaana la sheegaya inuu doonayo inuu fashiliyo doorashada la damacsan yahay inay dhawaan ka dhacdo degaanada Puntland gaar ahaan sanadka soo socda bishisa kowaad.
Hubkan ayaa la sheegay in Gawaari Xamuul ah daba loo galiyey isla markaasna inta badan hubkaasi loo qaaday Xeryahaa Ciidamada daraawishta Puntland ee ku yaala Galkacayo iyo Garoowe halkaasi oo la sheegay inay ka socoto qoritaanka Maleeshiiyooyin qayb ka noqda Cidamada daraawiishta Puntland oo la doonayo inay la wareegaan degaano badan oo hadda Soomaliland maamusho.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland Dr Faroole ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu dalka galiyo xaalad degdeg ah isla markaasna weeraro culus ku qaado degaanada ay maamulaan Somaliland,waxaana wararku sheegayaan in Somaliland arrintaasi ka war heshay isla markaasna ay heegan buuxa galisay ciidamadeeda mileteriga ee ku sugan jiidaha hore ee Degaanada ay maamulaan.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-FAAH-FAAHIN-KU-AADAN-HUBKA-FAROOLE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]