Addis Ababa (AGGM): Falaagada Al Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux.
Falaagada Argagixisada ah eeĀ Al Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen Twiterka ku sheegeen in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen qaraxaasi.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjbay in ay Weeraro kale ay ka gaysan doonaan dalka Ethiopia.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Bole ee Magaalada Addis ababa ee Soomaalidu ku badantahay maalintii Shalay.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa waxa ay horay u sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafada Bole ee Magaalada Addis Ababa ayna ku dhinteen dad aanana weli haybtooda la aqoon, ayna wadaan Baaritaano la xariira ciddii ka dambeysay Qaraxasi .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com