Raisalwasaare Shirdoon Oo Kulan La Qaatey Wasiiro & Saraakiil Loogana Hadlay Amaanka

0

calan1Muqdisho(AGGM)Shir ballaaran oo looga hadlayay amniga caasimadda, uuna guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” isla markaana ay ka qeyb haleen hey’adaha amniga dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen wasiiro iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka caasimada dalka loona dardargelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed mudane C/xakiin Daahir Saacid ayaa saxaafada la hadlay kadib markii uu soo gebageboobay kulankaasi,  isagoo ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka uu R/wasaaruhu la qaatay.

“Kulanka waxaa looga hadlay arrimo quseeya amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimada Muqdisho oo intii mudo ah ay ciidamada amaanku ka wadeen howlgalo la xiriira amaanka hadana ciidamadu waxaa ay sii wadi doonaan howlgalada’’ Sadaasi wxaa yiri taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Saacid.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa taliyaha Boolisku inta ku daray in la isku afgartay in la sii dardargeliyo howlgalada ay ciidamada ammaanku ka wadaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro fal kasta oo ka dhan ah nabadgelyada.

Gen. Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan laga gaaray dadka heysta hubka sharcidarada ah,  wuxuuna xusay in ciidamada la siindoono dares gaar ah loona sameyndoono aqoonsi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com