Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xaalada dalku khatar ku jirto isla markaasna dalka ay ragaadiyeen qabiil iyo nin dan gaar ah,Waxaana uu sheegay in dhibaatada dalka Soomaaliya ay taasi la jartey.
Shirdoon waxaa uu daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in la helo isku duubni isla markaasna laga hadlo sidii dalka soomaaliyeed loo badbaadin lahaa,waxaana uu shaaciyey in loo baahi qabo in dalka laga saaro dhibaatada uu ku jiro ee qabiilka iyo dadka danaha gaarka ah wata,waxaana uu sheegay inaan horumar lagu gaareyn in shaqsi kastaa uu doonayo wax u gaar ah oo aan umaddu la qabin.
Sidoo kale Shirdoon waxaa uu daaha ka qaaday in taariikhdu ay xusi doonto ninkii wax qabta iyo ninkii aan wax qaban isla markaasna la arki doono marka mudo laga joogo,waxaana uu shaaciyey in loo baahan yahay in umadda Soomaaliyeed loo xaqsooro isla markaasna loo helo cadaalad iyo horumar wanaagsan oo ay barwaaqo ku gaaraan.
Ugu dambeyntii Mudane shirdoon waxaa uu daboolka ka qaaday in umadda soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka waantoobaan qabyaalada isla markaasna ay muujiyaan siku duubni iyo isjaceyl,waxaana uu sheegay intaasi kaliya wadanka Soomaaliya ka dhigi karto wadan horumar u maray isla markaasna caalamku ku farxaan maadama hadda loo yaqaano dhul burburey oo aan horumar ka jirin.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-RAIISUL-WASAARAHA-SOOMAALIYA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com