Kismaayo(AGGM) Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Shiikh Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ) ayaa saaka la sheegayaa inuu mashquulsan yahay sidii uu xalin lahaa muran gacan ka hadal sababay oo dhexmarey Ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag & Macalin Maxamed oo ka mid ah horjoogayaasha Raaskambooni.
Horjooge Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu wado kulamo muhiim ah oo ay qayb ka yihiin waxgaradka Beesha Absame ee ku sugan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo aad uga carooday gacan ka hadalkii shalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada u ah Maleeshiyaadka Raaskambooni oo dhaawac fudud lagu soo gaarsiyey ku xigeenka Axmed Madoobe ee Jeneraal Fartaag.
Waxgaradka Beesha Absame & Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay aad uga xumaadaan dhacdada shalay dhacday isla markaasna ay xaal culus ku xukumeen Macalin Maxamed oo gacan qaadka lahaa isla markaasna nabar dhakhar u geystey Jeneraal Fartgaag,waxaana la sheegaya inay Macalin Maxamed uu aqblay inuu xaal ka bixiyo dhacdada uu geystey.
Sidoo kale Waxaa la sheegaya in Waxgaradka Beesha Absame iyo Axmed Madoobe hadda la kulansan yihiin Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ku sugan hoy uu leeyahay mid ka mid ah Horjoogayaasha Raaskambooni oo lagu magacaabo DUCAALE isla markaasna u dhaw xaruntada Maleeshiyaakda Raaskambooni u ah Madaxtooyada.
Ugu dambeyntiii lama oga waxyaalaha ay ku dhamaan doonto arrintaasi iyadoo horjoogayaal badan oo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ay aad uga caroodeen gacan ka hadal loo geystey Jeneraal Fartaag isla markaasna ku tilmaameen inuu yahay mid bini aadamnimada ka baxsan isla markaasna aan laga fiirsan maadama uu yahay nin beel kaliya kala jooga isla markaasna u diyaar ah inuu adeego.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com