Midawga Afrika Oo Qalinka Ku Duugay Inaan Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Xil Haya Maxkamad La Hor Geyn

0

IMG_45472Addis Ababa(AGGM)Shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika ayaa la soo gabogabeeyey iyadoo go’aanadii ka soo baxey ay ka mid ahaayeen in Madaxda Midowga Afrika ay isku raaceen inaan Madaxweyne ama ku sime madaxweyne aan looga yeeri karin Maxkamadda Denbiyada Caalamiga ah oo lagu xishmeeyo mudada ay kursiga madaxtinimo ku fadhiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa hoggaaminayey wafdigii ka qeybgalay shirka Midowga Afrika oo ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaah Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiirka Gaashandhiga Mudane Abdixakiim Faqi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia iyo Midowga Afrika Mudane Ahmed Abdisalaam iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gooni ah la qaatay Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, AMISOM iyo arrmaha ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhowaan lagu wadaa inuu kulan la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo madax kale.

—DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_4598IMG_4599IMG_45472IMG_4605