Muqdisho(AGGM)Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan 59guuradii ka soo wareegatay markii ugu horeysay ee calan soomaaliyeed laga taago dalkeena u diray ummadad soomaaliyeed taasoo ku beegan berito oo ah 12ka bisha October.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aabayaal badan ay naftooda u hureen in soomaaliya calankan buluga ah yeelato si uusan gumeysi u maamulin loona abahanyahay in la weyneeyo astaamaha dadka ka dhaxeeya ee uu calanku ugu horeeyo lana baro jiilasha soo koreya ee Soomaaliyeed.
Berito ayaa lagu wadaa in qeybo badan oo ka mid ah dalka lagu qabto munaasabado lagu weyneynayo 12ka bisha October oo ah markii ugu horeysay ee dalkeena laga taago calankan buluuga ee dhexdana ku leh xidigta shanta gees leh markaasoo aheyd 59 sanadood ka hor.
Dhinaca kale wafdi uu hogaaminayo madaxweynaah soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka mid tahay Raisul/ Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha Dibadda Marwo Fawzio Yusuf Adam wasiirka gashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shalay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho,iyagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia oo ay uga qeyb galayaan shirka aan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha Midowga Afrika iyo shirka madaxda IGAD.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha ee dhanka warfaafinta Inj C/raxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa sheegay in madaxweynaha uu beri ka qeyb gali doono shir aan caadi ahayn oo la isugu yeeray madaxda midowga afrika oo ka dhacaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Ethopiya.
Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadli doonaa Maxakamadda danbiyadda caalamiga ah (ICC). Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb geli doonaa shir ay ka soo qeyb galayaan Madaxda dalalka ku bahoobay IGAD oo looga hadli doono amniga iyo falkii foosha xumaa ee ka dhacay goobta ganacsi ee Westgate.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah oo ah dhanka amniga la qaadan doono Madax kale duwan oo Afrikaan ah.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Inj Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu isla bari uu ka qeyb gali doono shir ay yeelanayaan madaxweynayasha madaxda urur goboleedka IGAD.
“Soomaaliya waxey dagaal kula jirtay muddo sanado ah argagixiso waana in aan hada sii labo jibaarnaa howl galadda lagula jiro cadawga. Waa in aan u diidna in ay helaan dhul ay ku tababartaan ama ay ka soo maleegaan, waana in aan hubsaanaa in howlgaladda military ay bar bar socdaan midka saxaafadda iyo wacyi gelinta.”Ayuu yiri madaxweynaha
Safarka madaxweynaha ee dalka Ethopiya ayaa waxa uu qaadan doonaa mudo labo maalmood ah.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/Maxdaxweynah-somliya.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com