Dhageyso: Axmed Maxamed Cali Ameriko Oo Muqdisho Lagu Dhaawacay

0

Muqdisho6Muqdisho(AGGM) Wiil uu dhalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa maanta duhuradii lagu lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Xalane ee Ciidamada Amisom.

Sida ay sheegayaan wararka wiilka ayaa la dhaawacay xilli ay isla socdeen isaga iyo rag dhalinyaro ah oo gaari watay, waxaana ay damceen inay dhigtaan agagaarka Hotel ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Wiilka ayaa lagu magacaabayay Axmed Maxamed Cali, kaasoo magaalada Muqdisho labo bil, iyadoo Danjire Ameeriko oo ka hadlay dhaawiciisa uu sheegay in xaaladiisa wanaagsan tahay.Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Hotelka uu ka shakiyay gaariga, dabadeedna uu rasaas ku furay.

Ugu dambeyntii Safiirk Maxamed Cali Ameeriko oo saxafada Magaalada Muqdisho khadka telefoonka ugu waramay ayaa shaaca ka qaaday in wiilka la dhaawacay isla markaasna xaaladiisa caafimaad wanaagsan oo ay daaweynayaan ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom,waxaana uu sheegay in baaritaano lagu hayo kooxihi weerarkaasi ka dambeeyey.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-WAREYSI-KU-SAABSAN-DHAAWACA-WIILKA-AMB-AMERIKO.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com