Hargeysa(AGGM)Wasiirka wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland Maxamed Jaamac (Abgaal) ayaa sheegay in muddo 24sanno ka dib ay hawlgalinayaan Boostii ay lahan jirtay Somaliland ee waraaqaha layskugu gudbin jiray, waxa kale oo uu sheegay in si rasmi ah ay wasaaradu u qaadi doonto cashuurtii ku waajibtay shirkadaha Isgaadhsiinta oo uu xusay in qaranku xaq ugu leeyahay, waxaanu tilmaamay in aan shirkadaha laga qaadin lacagtii ku waajibtay.
Siddaasi waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa magaalada hargeysa.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Muddo 24sanno ka dib waxaanu hawlgalinayana Boostii ay lahan jirtay somaliland ee waraaqaha layskugu gudbin jiray, taaso fududeeyn doonta waraaqaha ay wasaradaha dawladu isku diraan iyo bulshada somalilandba, waxa kale oo aanu hawlgalinaynaa khatkii isku xidhayey shirkadaha Isgaadhsiinta si cashuurta ku waajibta loola socdo oo looga qaado.”Ayuu yidhi
Wasiirka Boosaha oo la waydiiyey in wakhtigii uu mucaaridka ahaa uu hadalo cadaa lakiin imika oo uu xukumada aanu ka dhex muuqan waxa uu kaga jawaaabay. “Markii aan mucaaridka ahaa dhaliisha madaxweyne siillanyo toos ayaa warbaahinta ugu marin jiray imika oo aan xukumada ka tirsanahayn ee wixii khaldan waan u sheega oo dee dhaliishuna waa toosin.”
Waxa kale oo la waydiiyey in isku xidhka shirkada ah isgaadhiisnta oo wasiiro ka horeyey isku dayeen in ay isku xidhan ay shaqadodii ka galanfatay marka Malaga ayaaba in adiga shaqadaada ka galaafto waxanu kaga jawaabay siddan. “Haddii aan xilka ku wayayo arrintan aan fulinayaa waayo waa wajibadkeyega.”Ayuu yidhi
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com