Talaalka Xoolaha Oo Ka Bilowday Degmada Balanbal Ee Gobolka Galgaduud

0

punt121232819377Caabudwaaq(AGGM)Tallaalka xoolaha ayaa waxaa uu ka bilawday deegaano hoos yimaada Balanbal ee gobolka Galagaduud, iyadoo Tallaakani ay iska kaashanayaan maamulka deegaankaasi, iyo hey’adda ICRC,  ka dib markii cuduro kala duwan lagu arkay xoolaha halkaasi ku nool.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Balanbal Maxamuud Maxamed Cabdi ayaa ka warbixiyay howlaha la xiriira Tallaalka ee ka bilowday halkaasi, isagoo sheegay in la Tallaalay konton kun oo neef islamarkaana ay gacan ka geesteen arrinkani Hey’adda ICRC iyo urur maxali ah oo ka shaqeeya deegaankaasi,

Gddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay inaysan ku filneyn tirada xoolaha la Tallaalay laakiin ay codsanayaan in la sii kordhiyo Tallaalka la siinayo xoolaha ku dhaqan deegaanka, waxaana talaabo horumar leh uu ku tilmaamay howsha la xiriirta Tallaalka ee  laga bilaabay deegaanka Balanbal iyo kuwa hoosyimaada.

Deegaanada xoolahaasi laga talaalay ayaa waxaa ay ku teetsan yihiin deegaanada miyiga ah ee hoos yimaada deegaanka Balanbal ee gobolka Galgaduud, iyadoo arrinkani ay soo dhaweeyeen xoolaleeda ku dhaqan deeganadaasi

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com