Dhageyso: Awlibaax ” Axmed Madoobe Loo Joojin Maayo,Shirka Xamar Waa La Tagayaa ”

0

20131009_025904Muqdisho(AGGM) Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Koonfureed Shiikh Maxamed Yuusu Awlibaax oo ka mid ahaa kooxihii soo dhisay Maamulkii been hoosaadka ahaa ee Maleeshiyaadka Raaskambooni kaga dhawaaqeen magaalada Kismaayo ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo la xiriria Gobolladda Jubooyinka iyo Gedo.

Shiikh Awlibaax oo ah hogaamiyaha Ahlusunnada Koonfureed ayaa maanta ka hadlay xaqiiqda dhabta ah ee Magaalada Kismaayo isla markaasna tilmaamay inaan kismaayo wax shira lagu qaban karin amaankeeduna uusan ahayn mid laysku haleyn karro.

Sidoo kale Mudane Awlibaax waxaa uu shaaciyey inaan loo joojin doonin Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee shalay ku dhawaaqay inaysan ka qayb galeyn shirkaasi,waxaana uu Aw Libaax daaha ka qaaday inuusan Axmed Madoobe Gobollada Jubooyinka Masiirkooda uusan ahayn isla markaasna shirka la tagayo lagana qayb galayo.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in amaanka Kismaayo uu yahay Mid faraha ka baxay isla markaasna balo kale ku adeeganayso,waxaana uu shaaciyey in shirka labaad ee dib u heshiisinta goboladda Jubooyinak lagu qbanaayo  Gobolka Gedo isla markaasna amaanka gobolka Gedo uu yahay mid laysku haleyn karo oo aan wax dhibaato ahi ka jirin.

Ugu dambeyntii hadalada Shiikh Awlibaax waxaa ka muuqata in khilaaf  laba lixaadsaday oo mudo badan la sugayey uu daboolka ka qaaday Shiikh Awlibaax oo shaaciyey inuusan Axmed Madoobe tallo iyo masiir toona ku lahayn arrimaha jubooyinka isla markaasna uu daboolka ka qaaday inaan wax amaan ahi ka jirin gobolka Jubadda Hoose.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/AW_LIBAAX_MUQ.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com