Xukumadda Mareykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Sarkaalka Ay Ku Doonaysay Hawlgalkii Baraawe

0

AP_john_kerry_syria_nt_130830_16x9_992London(AGGM)Saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay in bartilmaameedka howl galkii Baraawe uu ahaa nin Kenyan ah oo dhalashadiisa dambe ay tahay Soomaali, kaasoo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha ajnabiga ee Al-Shabaab. Inkastoo howl galkan fashilmay ayaa hadana Mareykanka waxaa uu ku hanjabay inuu sii wadayo ugaarsiga Saraakiisha Al-qaacida iyo kooxaha ku xiran.

Saraakiisha Mareykanka oo aan magacooda sheegin ayaa la hadlay wakaalada Wararka ee Reuters, iyagoo tilmaamay in ninka bartilmaameedka ahaa uu ahaa Ikrima oo ah Kenyan asalkiisa yahay Soomaali. Ikrima oo magaciisa dhabta ah lagu sheegay Abdikadar Mohamed Abdikadar ayaa xiriir dhow la lahaa Hogaamiyeyaashii geeriyooday ee Al-Qaacida Harun Fazul iyo Saleh Nabhan, kuwaasoo door weyn ku lahaa weerarkii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998-dii iyo weerarkii 2002 lagu qaaday Hotel ku yaal Mombasa iyo diyaarad ay laheyd Israa’iil.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in howl galkii Baraawe aanay la xiriirin weerarkii bishii la soo dhaafay Al-Shabaab ka geysteen Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay ilaa 67-qof.Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka John Kerry oo booqanaya dalka Indonesia ayaa sheegay inay rajeynayaan in cid kasta oo ka mid ah argagixisada ay cadaalada horkeenayaan, kuwaasoo aanay is qarin karin, hadii ay cararaan.

Ugu dambeyntii Sabtidii ayaa Ciidamo Kumandos ah waxay magaalada Tripoli ee dalka Libiya ku qabtaan nin la tuhunsanaa inuu ku lug lahaa weeraradii Safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania lagu qaaday sanadkii 1998-dii, oo lagu magacaabo Anas Al-libi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com