Muqdisho(AGGM)Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada Mareykanku ay ka qeybgaleen weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.Ciidamada kumandoska ayaa fuliyay howlagalkaasi oo lagu bartilmaameedsanayay nin aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan kooxda argagaxisada ah ee Alqaacida.
Xoghayaha warbaahinta ee Bentikonka Mareykanka Jeorge Leadel ayaa sheegay in lagu bartilmaameedsanayay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alqaacida waxa uuna sheegay ineysan wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamadooda hase ahaatee uu bartilmaameedku ahaa mid ka mid ah horjoogayaasha Alqaacida oo degmadaasi ku dhuumaaleysanayay.
Habeen hore ayaa saqdii dhexe waxaa dagaal xoog leh uu ku dhexmaray guri ku yaala degmada baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ciidamo ka soo degay dhanka xeebta iyo maleeshiyo katirsan alshabaab oo ilaalo ka ahaa hoygaasi halkaasoo la rumeysanyahay inay ku jireen rag ajaanib ah oo Alqaacida xiriir la leh iyadoo ilaa hadda aan la xaqiijin in la dilay ninkii bartilmaameedku ahaa iyo in kale.
Ugu dambeyntii Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar culus lagu soo qaaday degmada Baraawe hase yeeshee ay iska caabiyeenm isagoo xusay in mid ka mid ah maleeshiyadooda uu ku qurbaxay guriga lagu dagaalamay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com