Xog: Axmed Madoobe Oo Wax Laga Waydiinayo Weerarkii West Gate

0

179212Nairobi(AGGM) Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe) oo maalmaha ku sugnaa magaalada Nairobi ka dib markii uu ka soo laabtey safar uu ku tagay dalka Belguim waxaa su,aalo lagu waydiinayaa Magaalada Nairobi halkaasi oo ay wareysiyo kula leeyihiin Ciidamada sirdoonka dalka kiiniya oo gacan ka helaya Kuwa beesha caalamka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in arrintu lugaha la soo gashay markii dawlada Kiiniya daboolka ka qaaday in raggi weerarada ku qaaday Xaruntii ganacsiga ee West gate ay ka mid ahaan jireen ururkii Argagixisada ahaa ee Raaskambooni isla markaasna raggaas lagu soo tababaray Jasiiradda Raaskambooni.

Xilliga nimanka Argagixisada ahi ay tababarada ku soo qaadanayeen Jasiiradda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inuu Axmed  Madoobe ahaa Taliyihi Ciidamada Muscaskarka Raaskambooni oo uu Hogaamiyaha u ahaa Shiikh Xasan Turki,waxaana la sheegayaa inuu Axmed Madoobe xog dhameystiran ka hayo raggi ajaaniibta ahaa  ee xilligaas lagu tababari jirey Jasiiradda Raaskambooni.

Dhawaan ayay ahayd markii Sirdoonka dawlada kiiniya daboolka ka qaadeen in raggaasi lagu soo tababaray degaano ka mid ah koonfurta soomaaliya gaar ahaan jasiiradda Raaskambooni iyadoo raggaasi la sheegay inay ka tirsanayeen Kooxda Raaskambooni isla markaasna qaarkood u dhasheen wadanka Kiiniya,waxaana su,aalahaasi wax laga waydiinayaan Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni oo la aaminsan yahay hadii uusan weerarkaas ku lug lahayn inuu warbixin badan ka hayo ragga weerarka geystey.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in dhawr huteel oo kala duwan kuna yaal Magaalada Nairobi ay kula kulmeen saraakiil cadaan iyo Kiiniyaan ah isla markaasna su,aalo ku waydiinayaan arrimaha la xirira Weerarkii West Gate iyo Kooxdii tababarada ku soo qaadan jirtey Jasiiradda Raaskambooni xilligii u ahaa taliyihii Ururkii Raaskambooni ee uu hogaamiyaha u ahaa Shiikh Xasan Turki.

Sidoo kale su,aalahan xiriirka ah ee la leeyahay Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ka war hayso isla markaasna Shirkii arrimaha jubooyinka ay dib ugu dhigtey,waxaana la  sheegay in dawlada kiiniya ay shaacisay inaysan hadda macquul ahayn inuu Axmed Madoobe u dhoofo Soomaaliya inta su,aalahaasi soo afjarmayaan.

Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa inuu Axmed Madoobe dhawaan marka su,aalahaasu u soo dhamadaan uu soo duulo Magaalada Kismaayo hadii aysan dambiyadda wax laga waydiinayaan uusan cagaha la gelin isla markaasna uusan lug ku yeelan weerarkii  West Gate ka dhacay ee lagu dilay dadka shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com