Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Tababar Uga Furay Muqdisho Ilaa 450 Sarkaal Boolis Ah (Sawiro)

0

IMG_41151Muqdisho(AGGM)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad tababar looga furay Xerada Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ilaa 450-sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska, iyadoo Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay.

Saraakiishan tababarka loo furay ayaa la sheegay in tababarkooda muddo 45-cisho uu uga socon doono Dugsiga Tababarka ee Jen. Kaahiye, iyadoo Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Dahir Saacid uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay waxqabadka ciidamada. Jen. Saacid ayaa sheegay in is bedel ballaaran uu ku socdo qeybaha ciidamada booliska, isagoo xusay in ciidamada lagu sameeyay kordhin, isla markaana ay ku guuleysteen inay helaan mushaarooyin joogto ah.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in horumarin lagu sameeyay Xarunta dambi baarista ee CID-da, halkaasoo uu tilmaamay in dhowaan laga hirgelin doono qalabka faraha lagu baaro oo uu helay Booliska, sidoo kale waxaa uu xusay inay dib u dhis ku sameeyeen Saldhigyada Booliska ee ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaa kaloo uu sheegay Taliyaha Booliska in dib loo howl geliyay Dugsiyada lagu tababaro ciidamada booliska iyo xarumaha gobolada, isagoo tilmaamay in magaalada Beledweyn, Baydhabo, Kismaayo iyo degmada Lafoole laga furay dugsiyada ciidamada booliska lagu tababaro.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ciidamada booliska ay wax badan ka qabteen ammaanka, isagoo ugu baaqay inay ka hortagaan dhibaatada lagu shacabka ka soo gaari garta falalka amni daro. C/kariin Guuleed ayaa tusaale u soo qaaday booqasho uu ku tagay dalalka Yemen iyo Ciraaq oo uu tibaaxay inay ka jiraan falalka argagixiso ay ciidamada booliska todobaadyo kasta ka hortagaan falal argagixiso, isagoo tibaaxay in Ciidamada Booliska Ciraaq ay gaarayaan 7-boqol oo kun oo heysta miisaaniyad xoogan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray munaasabada ayaa ugu baaqay ciidamada inay la yimaadaan dishibiliin wanaagsan, isla markaana ay waajib iska saaraan sidii umada dhibaatada ugu dulqaadi lahaayeen. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada booliska ay yihiin kuwo isku xira bulshada, waxaana uu ugu baaqay inay shacabka la shaqeeyaan oo ay mar walba ku xirnaadaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay xeebaha Talyaaniga, isagoo xusay in Tahriibka uu leeyahay dhibaato, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka waan-toobaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

1232529271112101121191IMG_41151