Dowladdaha Soomaaliya Iyo Canada Oo Ku Hishiiyay In La Xoojiyo Xiriirka Labada Dhinac.

0

canadda_4Toronto (AGGM): Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in in dowladda Canada ay kala hadashay sidii loo adkeyn lahaa ama loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

Warkan ayeey ka sheegtay wasiirrka kulan ay madaxda Canada kula qaadatay dalkaas, waxayna tilmaantay in la magacaabay labo  guddi oo ka kala socda wasaaradaha arrimaha dibadda Canada iyo Soomaaliya, kaas oo ka shaqeyn doona isu soo dhowaansho labada dal ah.

Waxaa ay intaa ku darrtay in dalka Canada ay ku sugan yihiin n dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo jaamacado ka qalin-jebiyay oo ay shaqo la’aan ku hayso dalkaas, waxayna xustay inay dhallinyaradaas diyaar u yihiin in ay dalkooda ku noqdaan si ay uga qeyb qaataan horumarka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ay dowladda Canada diyaar u tahay sidii ay  sare ugu qaadi laheyd kaalmadii ay siin jirtay Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo gargaarka bini’aadannimo.

Wafdiga wasiirrka arrimaha dibada ee socdaalka ku maraya dalka Canada waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wasaarrada oo ay ka mid yihiin safiiro, diblumaasiyiin iyo waliba guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Yusur Abrar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com