Bujumbura (AGGM): Dowladda Faransiiska ayaa ballan-qaadday in ay kordhin doonto iskaashiga dhinaca amaanka ee dalka Burundi iyo sidii ay uga taageeri lahayd dalkaas kaalinta uu uga jiro howlgalka nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya.
Safiirka Faransiiska ee dalka Burundi Jean Lamy ayaa ku dhawaaqay balan-qaadka, kaddib markii uu kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza.
Safiirka wuxuu muddo saddex sano ah ka shaqeynayay dalka Burundi, waxaana u dhamaaday howshii uu wakiilka uga ahaa dalkiisa.
Safiirka Faransiiska ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan ciidamada Burundi ee AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya.
Jean Lamy ayaa waxaa kaloo uu ballan-qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada booliska ee dalka Burundi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com