Danjire Maxamed Saalax Al Nadif Oo La Kulimi Doono Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Minnesota.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMinneapolis (AGGM): Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,Maxamed Saalax Annadif ayaa lagu wadaa in Dalka Mareykanka uu kula kulmo Soomaalida ku sugan dalkaasi gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan Minneapolis Minnesota.

Kulanka oo ah Mid wada tashi ayaa qaadan doono mudo labo Maalmood ah,waxaana shirka intiisa badan diirada lagu saari doonaa wajigiisa Koowaad dadaalada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya iyo sida Qurba joogta Soomaalida ay qeyb kaga Noqon lahaayeen Horumarka ka socda dalkooda.

Mahamed Salax Annadif ayaa sidoo kale Soomaalida uu la kulmi doono wuxuu ku dhiiragelin doonaa inay dhabarka u xirtaan inay qeyb ka noqdaan dadaalada Nabad loogu soo dabaalayo Soomaaliya,kuwaasi oo hada socda sida Warsaxaafadeed AMISOM ay soo saartay lagu sheegay.

Kulanka wada tashiga ayaa bilaaban doono 5-ta Bishan October waxaana inta uu socdo shirkaan Mr Anadif uu Soomaalida wax badan ka fahansiin doono Mandateka ay kaga howlgalaan Soomaaliya iyadoo Maalinta Labaad ee kulanka uu dhacay 6-da October waxaana Shirkaasi diirada lagu saari doonaa in sida Qurba joogta Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan lahaayeen Dib u heshiinta Shaqo la’aanta iyo waliba Nabadda.

Ugu danbeyntii Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilada in ka badan 150-Qof oo ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com