Beelaha Banaadiriga oo taageeray Dhaq dhaqaaqa horumarka leh ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh “SAWIRRO”

0

IMG_20131003_133746Muqdisho(AGGM)Waxaa maalmahan dambe ka soconayay magaalada Muqdisho kulamo ay yeelanayaan beelaha Banaadiriga kuwaasi oo ku muujinaya sida ay u taageersan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadani oo ka dhacayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Shamow ayaa waxaa lagu taageeray dhaq dhaqaaqa horumarka leh ee uu wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii ay ahaan laheyd dhinaca dhismaha maamulada iyo sidoo kale hawlaha dib u heshiisiineed oo Madaxweynaha uu ku hawlan  yahay.

Shirka ayaa waxaa isugu yimid guud ahaan Xubnaha Xisbiga SNU kuwaasi oo cadeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Taageero ay la garab taagan yihiin nooc waliba oo uu noqdo kuna taageerayaan hawlaha uu wado.

Guddoomiyaha Xisiga SNU Mudane Shariif Maxamed Sayid oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ku taageerayaan wax qabadka muuqda ee xilliyadan dambe uu lasoo baxay sidoo kale inta u harsan ay u rajeynayaan in siyaasad dhex dhexaad ah uu kuwado.

Isla kulan kale oo ka dhacay Muqdisho ayna ka qeyb galeen odayaasha Dhaqanka Beelaha Banaadiriga ayaa lagu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay kamid ahaa Duqa Culumada Reer Faqi Maxamed Bin Cali (Unsane) oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku taageersan yihiin hawlaha uu wado ayna u rajeynayaan in halka hadda ay wax taagan tahay uu kasii dhaqaajiyo oo waxyaabo yaryar ay u harsan yihiin.

Sidoo kale Sheekh Cali Xaaji Maxamed oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa isaguna sheegay in Madaxweynaha ay taageersan yihiin maadaama ay yihiin culumadii taageeradii ay u hayeen mid kasii weyn ay iminka u hayaan inta Madaxweynaha uu ku hawlan yahay arrimo kala duwan ee waxtarka u leh dadka, dalka iyo diinta.

Mudane Caamir Axmed Maxamed (Caamir Shakeeti) oo horey Xildhibaannada Baarlamaanka uga tirsanaa kulankaasina ka hadlay ayaa sheegay in maadaama dad nabadeed aan nahay aan ku taageersan nahay madaxweynaha hawl waliba oo dhinaca rajo soo celinta ee uu gudaha dalka iyo dibadda kawado, haddii ay yihiin beelaha Banaadirigana ay sii wadi doonaan.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo ah mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in xilligan ay tahay in lagu taageero Madaxweyne Xasan Sheekh Hawlaha uu wado sababtuna ay tahay in dalka uu galayo marxalad kaduwan tii hore, wuxuuna xusay in ladoonayo in ladhiso maamul Goboleedyadii dalka isaga oo arinta maamul u sameynta Gobolada si aad ah u soo dhaweeyay sheegayna in arimaha federaalka xilligan la dhaqaajio xilli uga haboon aysan jirin.

Xildhibaan Shariif ayaa xusay in Beelaha Banaadiriga oo ah beelaha arimaha nabadda u jan jeera laga doonayo in hawlaha nabadeed iyo dib u dhis ee socda ay ka qeyb qaataan lakin mas’uuliyiinta hawlahaasi kujirana laga doonayo in xuquuqda dadka nabadda lagu yaqaano aysan dhinac marin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Xildhibaanka ayaa waxa uu xusay in madaxda dalka kaligooda aysan waxba qaban Karin ayna tahay in shacabka ay wax la qabtaan shacab la’aantoodana aanu waxba toosi Karin, wuxuuna ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed oo idil in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiinta dowladda ee hawlaha adag kujira in lagu taageero hawlahooda si soo celinta Nabadgelyada dul duleelyada yaryarka ah ee ka harsan loo dhameystiro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_20131003_132456IMG_20131003_132512IMG_20131003_133703IMG_20131003_133746IMG_20131003_134041IMG_20131003_134659IMG_20131003_134741IMG_20131003_134901