Muqdisho(AGGM)Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka Sida ayaa maanta waxay xukun dil ah ku riday labo askari oo katirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo dhawaan fal dil ka geystay Muqdisho.
Afhayeenka Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka Sida C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay labada Askari ee la xukumay ay bishii hore 1-deedii ku dileen labo Askari oo Booliska Somaliya katirsanaan jiray.
Labada Askari ee maanta xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa:-
- Labo xidigle Yaxye Sh.C/llaahi Axmed oo da’diisu tahay 33 sano jir ah
- Xuseen Cali Axmed Cumar oo da’diisu tahay 37-sano jir ah
Waxa uu sheegay Afhayeenka Maxkamada Sare ee Ciidamada qalabka Sida inay ragga la xukumay ay qirteen inay dilka ugeysteen islamarkaana dhawaan racfaan ay qaateen laakiin ay ku cadaatay dilka ay geysteen lana toogan doono.
C/llaahi Keyse ayaa tibaaxay in raggaan loo toogan doono qaab sii jeed ah maadama uu sheegay in iyaguba markii ay dilayeen Askarta Booliska ay sii jeedeen.
Ugu dambeynti xukunkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee si siijeed ah lagu toogto kooxo dhibaato geytey isla markaasna waxa maxkamadu sheegtey in qaabkii ay dileen askartaasi loo dili doono,waxaana uu sheegay in la toogan doono nimankaasi.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-MAXKAMADA-CIIDANKA-QALABKA-SIDA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com