Dhusamareeb(AGGM)Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan dib u heshiisiinta iyo amaanka gobolkaasi si loogu guulaysto dardargelinta howlaha maamulka horyaala.
xuseen Cali Wehliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney ahmiyad gaar ah siinayaan dhismaha golaha guurtida deegaanada gobolka loona dhameystiridoono waxyabihii fududeyn lahaa howshooda.
“Waxaan bilownay dhismaha golaha guurtida gobolka dhamaan dadkaasaan rabaa inaan ku kulmino xarunta gobolka, isugu keenno, sharci ka dhigno, xafiis u furno, kadibna ay wax ka qabtaan isdilka, awalba ayaaga odayaal u ahaa dadka’’ ayuu yiri mudane Cirfo
Mudane xuseen Cali Weheliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa dhanka kale tilmaamay baahiyaha ka taagan gobolka ee xagga waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada ay bulshadu u baahantahay, taasoo uu tilmaamay in hey’adaha dowladda Soomaaliya looga fadhiyo wax ka qabashada arimahaasi oo idil.
Maamulka cusub ee gobolka Galagaduud ayaa wada dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan gobolka, loona horumarin lahaa adeegyada bulshada si loo hogaajiyo nolosha dadka gobolka oo ay ragaadiyeen colaado sokeeye.
Isha Ku Hay allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com