Daawo: 500 Oo Soomaali & Ajaaniib Kale Isugu Jira Oo Ku Le,day Xeebta Lampedusa Meel U Jirta 2 Km

0

tahriib1Roma(AGGM)Doon ay saarnaayeen ilaa 500 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku degtay meel labo mile u jirta Xeebta Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, kadib markii uu dab qabsaday. Sida ay sheegeen Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ilaa 151 qof la soo bad baadiyay, iyadoo ilaa 90 ruux la helay meydadkooda, halka qaarka kalena wali la la’yhayay.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa wada howl galo ay ku baadigoobayaan dadka ay doonta kula degtay meel ilaa labo KM u jirta Jaziirada Lambaduusa, iyadoo Meydad fara badan ay dul sabeynayaan Badda. Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa arrintan ku tilmaamay musiibo weyn Doonta ku degtay Xeebaha Talyaaniga

Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka kala yimaadeen dalalka Soomaaliya, Eretrea iyo Ghana, waxaana dadka dhintay ku jira Haween uur lahaa iyo caruur Soomaali ah. Wariyaha BBC-da ee Roma uga soo warama Aadan Sabriya ayaa sheegaya in la la’yahay ilaa labo boqol oo ruux, waxaana uu tilmaamay inay doonta saarnaayeen ilaa 500-ruux.

Aadan Sabriye ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii muhaajiriinta saarnaa doonta ay shideen dab ay ugu baaqayeen Ciidamada ilaalada xeebaha, taasna ay keentay in batroolkii saarnaa doonta inuu dabka qabsado.

Todobaadkan ayay aheyd markii in ka badan 20-ruux ay ku dhinteen inta u dhaxeysa xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya oo ay dadka muhaajiriin Afrikan ah, iyadoo todobaadkan gudihiis dadka dhintay ay ka badan tahay ilaa boqol ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com