Uhuru Kenyatta “Ciidankeenna Kama Soo Baxayaan Soomaaliya”.

0

Uhuru-KenyattaNairobi (AGGM): Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta sheegay in qorshaha Kenya ay ciidanka ugu dirtay Soomaaliya uu yahay mid iska cad, isla markaana aysan jirin xilligan go’aan dib looga soo saarayo.

Wuxuu tilmaamay in falalka argagixsiso aysan sababi doonin cabsi ku aaddan inay la soo baxaan ciidankooda, isagoo xusay inay ku sii nagaan doonaan Soomaaliya inta ay ka soo afjarmeysa muhiimaddooda.

Wargeyska The standard ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Uhuru uu sheegay in Soomaalidu ay dagaallamayeen in ka badan 20 sano, isla markaana ay xeryaha qaxootiga ku soo dhaweeyeen Soomaali badan, balse Soomalidu ay afduub u geysanayeen muwaadiniinta Kenya, iyagoo moodaya in xukuumadda Kenya ay daawaneyso oo ay gacmaha is saaraneyso.

Uhuru ayaa hadalkan ka jeediyay kulan maanta loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay wereerarkii xarunta ganacsi ee Westgate, oo ay ka qeyb galeen wadaadada diimaha kala duwan ee Kenya.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerrarada ay ka fulineyso gudaha Kenya haddii aysan kala soo bixin ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com