Labo Weriye Oo Lagu Xiray Magaalada Laascaanood.

0

Maxamed-iyo-AadanLaascaanood (AGGM): Labo ka mid ah weriyayaasha ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay baahiyeen warar aan jirin.

Weriyeyaasha la xiray ayaa waxay kala yihiin Maxamed Shaqalle Canshuur oo xiriirka gobollada u qaabilsan Somsat TV iyo Aadan Maxamed Karaama oo Universal TV uga warrama gobolka Sool.

Xog-hayaha dowladda hoose ee degmada Laascaanood Cabdi Khayre Dirir ayaa u sheegay Bar-kulan in weriyeyaasha la xiray kaddib markii ay baahiyeen war ahaa in dowladda hoose ay sameysay howlgal ay waddooyin ku banneysay.

Saraakiisha boliiska degmada Laascaanood ayaa sheegay in labada suxufi loo gudbin doono maxkamad si loo eego kiiska dacwadda ee lagu soo oogay.

Sida ay ku soo waramayaan Weriyeyaasha ku sugan gobolka Sool ayaa ku soo warramaya in xarigga weriyeyaasha ka howlgala magaalada Laascaanood uu yahay mid fudud iyadoo inta badan loo aaneeyo siyaasado is-diiddan oo deegaanka ka jira iyo khibrad yaraan haysata suxufiyiinta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com