Ciidamada Kenya Oo Hubkoodi Ku Wareejisay Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugnaa Magaalada Kismaayo.

0

top-newsKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada kenya ay hubkoodi ku wareejisay ciidamada dowladda ee ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda ayaa hubkooda laga dhigay ka dib markii ay ka dhaceen magaalada Kismaayo dagaalo u dhexeeyay ciidamada Kenya oo garab siinayay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay gaadiidka dagaalka iyo hub kale oo fara badan.

Dhinaca kale ciidamada Amisom ee ka socda dalka Siiraaliyoon ayaa waxa ay gabi ahaan albaabada u laabeen xabsiyo si sharci daro ah ay u sameeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, marki ay gaareen ciidamada Siiraaliyoon xabsiyadaas sharci darada ah waxay ugu tageen meeyd fara badan oo yaal iyo kuwo la duugay, halka ay ka soo saareen xabsiyadaasi dad gaaraya ilaa 15 ruux oo si arxan daro ah loo jir dilay.

Dadkan laga soo saaray xabsiyada sharci darada ah ee ay sameeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay u badnaayeen dad ka soo jeeda beelaha Gaaljecel, Sade iyo Sheekhaal.

Sidoo kale waxaa maanta warbaahinta ka hadlay qaar kamid ah Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kuwaa oo sheegay inaysan ka qeeyb galeen shirka dhawaan la filayay inuu ka furmo magaalada Muqdisho arrintaas oo ay Kenya si aad ah uga shaqeeysay.

Isku soo wada duuboo dhaqdhaqaaqyada maanta ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u muuqdaan siyaasado isbadalay iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo Godki ugu dheeraa abid ee koox laga tuuro laga sii tuurayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com