London(AGGM) Waxaa Inagu soo aadan sanad guuradii xilligii la magacaabay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo sanad jirsaneysa maalinta Axadda Ah ee fooda inagu soo haysa, Waxaana u buuxda hal sano intii uu xilka Raisalwasaarenimadda dalka Soomaaliya hayey isagoo xilkaasi loo magacaabay sanadkii la soo dhaafay 6-dii Oktoobar 2013,waxaana intii uu xilka hayey la tilmaami karaa sida wanaagsan ee uu umadda Soomaaliyeed ugu shaqeeyey.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon waxa uu socod shaqo ku soo maray inta badan goboladda Dalka Soomaaliya isagoo socod ku maray goboladda Shabeelaha hoose, Shabeelaha Dhexe,Gedo,Jubadda Hoose,Nugaal, Mudug, Hiiraan,Galgaduud & Bay,waxaana uu halkaas kula soo kulmay bulshadda kala duwan ee deganadaasi ku sugan isagoo ku dhiiri galiyey inay badan ka qabtaan arrimaha amaanka & Horumarka.
Kooxaha burcad Qallimeedka Ah ayaa saacadihii iyo maalmihi la soo dhaafay saxafada ku soo bandhigeyey Warar been abuur ah kuwaasi oo ay ku soo bandhigeen Bogagooda internet oo hadda noqday Tusbax dabada laga furey isla markaasna shaqsi kastaa jeceleystey inuu ku soo bandhigo Wixii dareenkiisa iyo rayigiisu siiyo.
Sidoo kale Shaqsi Soomaali ahi hadii uu war been abuur ah ku soo bandhigo Booga uu ku leeyahay Facebook waxaa markiiba dhacaysa inay kooxaha Website-yadda qoraa ay ku soo bandhigaan Website ka isla markaasna aysan awoodin inay iska hubiyaan in warkaasi yahay mid jira iyo mid aan jirin,waxaana dhacda in warkaasi been noqdo isla markaasna la ogaado marka waqtii la sheegay la dhaafo.
Maanta waxaa booqday Website yo soomaali leedahay kuwaasi oo qaarkood ay qoraan rag saxaifiyiin ah isla markaasna khibrad wariyenimo leh,Waxaana ku arkay warar sheegay in Raisalwasaaraha Umadda Soomaaliyeed Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Is Casilayo ” 6-0ktoober 2013 oo maalmo yari inaga xigaan.”
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon waxaa xilka Raisalwasaarenimo la magacaabay 6-oktoober 2012,Waxaana waqtigaasi ku beegan yahay sanad guuradii kowaad ee intuu xilka hayey Mudane Cabdi Faarax Shirdoon,waxaan warkaasi noqday mid lagu faafiyey ”Facebook Status” isla markaasna ay la boodeen kooxda Burcad Qallimeedda ka dhex Kaluumeysta Facebook-ga & Twitter .
Allgalgaduud oo nasiib u yeelatey inay arrintaasi wax ka waydiiso ninkii ku qorey Facebook ga ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayey inuu kala ogaado Warbaahinta Runta qorta iyo tan beenta iyo seef la boodnimadda lagu yaqaano,Waxaana uu sheegay inuu ku guuleystey inuu Arko arrimahaasi kuwo markiiba ka dhigtey War deg deg ah.
Ugu dambeyntii Warkan oo Warbaahinta Allgalgaduud daba gashay waxay soo ogaatey inaysan waxba ka jirin isla markaasna Maalintaasi 6-oct 2013 Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo muqdisho oo idil looga dabaal dagayo Sanad guuradii ka soo wareegtey Magacaabista Raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo waxqabadkiisa Mudada Sanadka ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com